Daawo Sawirada: Kormeer Howleed Aan Ku Tagnay Iskaashatooyinka Kaluumeysiga Biyaha Macaan G/Sh/Dhexe

0
Tuesday July 03, 2018 - 19:28:28 in News & Events by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Kormeer Howleed Aan Ku Tagnay Iskaashatooyinka Kaluumeysiga Biyaha Macaan G/Sh/Dhexe

    SH/DHEXE :-WAXAA TAARIIKHDU MARKAY AHAYD 16.1.2016 KORMEER HAWLEED AAN KU TAGNAY Iskaashatooyinka kalluumaysiga Biyaha Macaan ee Gobolka Sh/dhexe kormeerkaasoo ku saabsanaa sidii wax looga ogaan lahaa duruufaha ay ku noolyihiin dadka Kalluumaysatada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SH/DHEXE :-WAXAA TAARIIKHDU MARKAY AHAYD 16.1.2016 KORMEER HAWLEED AAN KU TAGNAY Iskaashatooyinka kalluumaysiga Biyaha Macaan ee Gobolka Sh/dhexe kormeerkaasoo ku saabsanaa sidii wax looga ogaan lahaa duruufaha ay ku noolyihiin dadka Kalluumaysatada ah eek u nool webiga

Annagoo ka hawl billownay Degmada Balcad soon marnay dhammaan tuulooyinka ku teedsan Webiga ilaa laga billaabo biya xireenka Balcad,irdoolay, Muka dheere,walamooy Basra iyo Dhagaxow Tuulada weyne e Xawaadlay halkaasoo aan kula kulannay Nabadoonka weyn ee Maxaas Maxamed Jiimbaar oo si diiran noogu soo dhoweeyay Degmada Xawaadlay halkaasoo qado sharaf loogu sameeyay Wafdiga aan wada soconnay oo ay ka mid aheen Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Hay,adda FAO oo uu ka socday Wakiilka Hay,addaas Mudane Cabdi Saciid Axmed Baajuuni iyo Cabdi Cali Yare oo ah Khabiir Kalluumaysi kana socday Wasaaradda iyo Guddoomiyaha Dalladda Iskaashatooyinka Hibo Xasan Maxamed Rooble,


Intaas ka dib waxaa uga sii gudubnay Degmada Jawhar waxaan ka billownay Tuulada Halgan, iyo Tuulada Nuunkaay  oo iyada Casho Sharaf loogu sameeyay Wafdiga, waxaan u sii dhaafnay Degmada Jawhar meel 20 km bari ka xigta Tuulo la yiraahdo Timirre,oo aan ku aragnay Dhibaato aad u baaxad wayn,tuuladaaso lagu gubay Dagaal beeleed halkaas ka dhacay wakhti ka hor.

Dhaamaan meelaha aan soo aragnay waxaa ka muuqaday Dhibaatooyin xagga Qalab la,aanta ah waxay u baahanyihiin in laga kaalmeyo Qalabka Kalluumaysiga si doonyo,fiilooyin shabaag iyo wixii kale oo lagama maarmaan u ah Dadkaan Kalluumaysatada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc